Murkomen: Hadii sarkaal booliis ah ku weydisto shidaal ma ahan musuqmaasuq

0
403

Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa difaacay saraakiisha booliiska ee ‘shidaalka’ ka dalbanayay xubnaha bulshada, isaga oo sheegay in codsiyada noocaasi ah aan lagu khaldin falal musuqmaasuq.
Isagoo ka hadlayay madasha Jukwaa La Usalama ee magaalada Homa Bay Talaadadii, Murkomen ayaa waxaa uu sharaxay in dowladda ay u qoondeyso 450 litir oo shidaal ah baabuur walbo oo booliis bil kasta, taasoo uu sheegay inay aad uga hooseyso baahida shaqo ee saldhigyada badankood.
Waxaa uu sheegay in qoondaynta inta badan la dhammeeyo ka hor dhammaadka bisha, gaar ahaan meelaha magaalooyinka ah oo ay askarta inta badan ku hawlan yihiin ka hortagga dembiyada.
Murkomen ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay dib u eegis ku samaynayso habaynta, iyada oo la soo jeedinayo in la kordhiyo qoondada shidaalka ee bishiiba lagana dhigo 650 litir si kor loogu qaado hufnaanta howlgallada booliiska.
Isla mar ahaantaana, Murkomen ayaa digniin adag u diray guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda gacanta ku haya kiisaska faraxumeynta ah ee loo xaliyo si hoose, isaga oo ku tilmaamay dhaqankan mid sharci darro ah oo bulshada wax u dhimaya.
Waxaa uu sheegay in sarkalkii lagu helo in uu badbaadinaayo dambiilayaasha ama kuwa shaqsiyan ah ku lug leh dambiyada noocaasi ah kaliya aan shaqada laga ceyrin doonin balse sidoo kale sharciga lala tiigsan doono.
Murkomen ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay la shaqeeyaan saraakiisha ammaanka si loo xaqiijiyo cadaaladda, gaar ahaan kiisaska la xiriira carruurta, iyo in laga caawiyo ciribtirka kufsiga caruurta bulshada dhexdeeda.