Waxaa sii xoogeystay khilaafka dhanka hoggaanka ee u dhexeya siyaasiyiinta xisbiga Jubilee.
Waxaa maanta xisbiga laga saaray David Murathe oo ahaa guddoomiye ku xigeen iyo xoghayihii guud ee Jubilee Jeremiah Kioni.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu yeeshay guddiga habdhaqanka gudaha ee xisbiga oo qaraar soo saaray waxaana go’aankaasi taageeray guddiga qaran ee fulinta (NEC).
Khilaafka ka dhex taagan Jubilee ayaa soo billowday horraantii sanadkan.
Waxaa uu muranka ka dhexeya Kanini Kega iyo Jeremiah Kioni oo labaduba sheegaya inay yihiin xoghayaha guud ee xisbiga.