Muqdisho: Macallin Iskuul oo maanta loo dilay arday uu canaantay darteed

0
309

Warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa warinaysa in arday uu ku dilay macallinkiisa magaalada Muqdisho.
Macallin Cabdiraxmaan Macallin Abiikar ayaa u geeriyooday ka dib markii uu toorri ku dhuftay arday hore uga baxay dugsiga oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dilka ayaa daba socday ka dib muran ka dhashay in uu macallinku buug ku dhuftay gabadh yar isago oo canaananaya, oo ay wiilka wax dilay qaraabo yihiin.
Gacan ku dhiig laha ayaa baxsaday waxaana ku daba jooga booliiska oo islamarkiiba lagu wargeliyay dhacdadan.
Maamulaha iskuulka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xasan Maxamad Maxamuud Cadaani oo ah ninka macallinka dilay uu dugsiga bilaash ku dhameeyay ka dib markii uu maamuluhu sida uu sheegayo agoonnimo u qoray Xasan.