Munaasabad duco ah oo lagu qabanaya Nyayo

0
211

Waxaa maanta munaasabad duco oo heer qaran ah lagu qaban doonaa garoonka cayaaraha ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi.
Kulanka waxaa ka qayb galaya madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa lagu sheegay la tacaalidda abaarta iyo macluusha ka jirto wadanka.
Axaddii ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha wadanka William Ruto kenyaanka ku casuumay inay ka soo qayb galaan Alle bariga maanta la qorsheeyay.