Mukhwana oo bixiyay tafaasiil cusub oo ku saabsan dhacdooyinkii habeenkii 7-dii June

0
164

James Mukhwana oo ah sarkaal booliis ah oo u xiran ku lug lahaanshaha dilkii loo geestay macalin Albert Ojwang’ ayaa haatan daaha ka qaaday tafaasiil naxdin leh oo ku saabsan wixii dhacay habeenkii 7-dii bishan June intii Ojwang’ uu ku sugnaa saldhigga dhexe ee Central.
Waxaa uu si aan lama filaan ahayn u sheegay dhacdooyinka ku xeeran xilliga uu Ojwang’ ku dhintay gacanta booliiska.
Hadalkan ayaa si toos ah u khusaysa Taliyaha Saldhigga Central ee magaalada Nairobi Samson Talaam, isagoo ku eedeeyay inuu soo saaray awaamiirta lagu edbinaayo Ojwang’ amarkaas oo Mukhwana uu sheegay inuu ka imaaday Taliye ku xigeenka guud ee booliiska dalka Eliud Lagat.
Tani waxaa ay timid iyadhoo Talaam uu si cad isaga fogeeyay eedeymaha dilka ah.
Mukhwana ayaa si toos ah u fahfaahiyay xilliga loo sheegay in Ojwang’ habsiga la keeni doono iyo in jirdil lagu sameeyo si isbitaal loogeyo.
Waxaa uu intaas ku daray in ulajeedada loo jirdilay aysan ahayn in la dilo balse kisto dhaawac loo geesto.
Waxaa uu raaligellin ka bixiyay warbixintii hore oo uu siiyay hay’adda madaxa bannaan ee kormeerka ku sameyso howlaha booliiska ee IPOA isagoo tacsi u diray qoyska Albert Ojwang’.