Muddo xileedka ergeygii Kenya ku matalayay QM oo soo idlaaday

0
221

Waxaa dhammaaday muddo xileedka wakiilkii joogtada ahaa ee Kenya ku matalayay qaramada midoobay Ambasadoor Martin Kimani.
Dr. Kimani ayaa jagadan hayay tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii 2020-kii xilligaasi oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Martin Kimani ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxaa uu madaxweynihii hore iyo hoggaamiyaha hadda talada haya William Ruto uga mahadceliyay fursadii ay u siiyeen inuu qaranka ku matalo arrimaha dibloomaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada , nabadgalyada gobolka iyo dadaallada dhexdhexaadinta oo uu ku howlanaa muddo 12 sano ah.
Bishii Labaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu danjire Martin Kimani uu madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ku dhaliilay duullaanka militari ee ay dowladiisu ka wado gudaha Ukraine xilli uu ka qayb galayay kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Inta aan loo magacaabin wakiilka joogtada ah ee Kenya ku matalo qaramada midoobay waxaa uu tan iyo sanadkii 2015-kii agaasime ka ahaa xarunta qaran ee la dagaallanka argagixisada ee NCTC.
Waxaa uu sidoo kale soo noqday xoghayaha barnaamijyada istaraatiijiyadeed ee xafiiska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
Martin Kimani ayaa sidoo kale xilal ka soo qabtay Barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP) , Barnaamijka hooyga ee qaramada midoobay ee (UN-Habitat), urur goboleedka IGAD oo uu 2011-kii ilaa 2012-kii ahaa agaasimaha la tacaalidda dagaallada.
Waxaa uu hadda u wareegaya xarunta iskaashiga caalamiga ee (CIC) oo ku taalla jaamacadda New York University ee Maraykanka ka dib markii loo magacaabay agaasimaha fulinta ee xaruntan.
Xilkan ayuu si rasmi ah ula wareegi doonaa laga billaabo 3-da bisha Lixaad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa guddomiyihii hore ee golaha ismaamulka Turkana Erastus Lokaale u magacaabay inuu beddelo Martin Kimani oo uu noqdo wakiilka Kenya ku matala qaramada midoobay wuxuuna sugayaa turxaan bixinta baarlamaanka.