Muddo uu Raila u qabtay dowladda dhexe oo gabagabo ah

0
330

Waxaa saqda dhexe ee caawa ku eg muddo 14 cisho ahayd oo uu hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga uu u qabtay dowladda dhexe.
Raila ayaa doonaya in maamulka madaxweyne Ruto uu hoos u dhigo sare u kaca qiimaha maciishadda.
Sidoo kale mucaaradka ayaa dowladda ka dalbaday inay soo celiso miisaaniyaddii ay ku kaabi jirta cunnada oo ayna yareyso canshuurta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa 22-kii bishii labaad ee sanadkan wacad ku maray in haddii dowladdu aynan arrimahan wax ka qaban inuu hoggaamin doono dibadbaxyo waawayn oo ka dhacaya guud ahaan wadanka.
Berri ayaa la filayaa in Odinga uu shaaca ka qaado tallaabada xigta ee ay ku dhaqaaqi doonaan.