Muddo bil ah oo ka soo wareegatay duqeymaha Israa’iil ee Qaza

0
355

Waxay muddo bil ah ka soo wareegtay duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza oo billowday 7-dii bishii hore ee Oktoobar.
Ugu yaraan 16 qof ayaa xalay lagu dilay weerar laga gaystay magaalada Rafah ee dalka Falastiin.
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaza ay noqotay meel lagu aaso carruurta.
Waxaa uu mar kale dalbaday in xabbad joojin degdeg ah ay halkaasi ka dhaqan gasho.
Wakiilka dowladda Falastiin ee qaramada midoobay ,Riyad Mansour ayaa dhankiisa dalbaday in Israa’iil lagula xisaabtamo dembiyada ay ka gaysanaysa Qaza.
Waxaa uu dowladda Maraykanka ku eedeyay inay is hor taagtay in la gaaro heshiis xabbad joojin ah.