Muddo 17 sano kadib hoogaamiyaha Mucaaradka oo dib ugu laabtay Bangladesh

0
101

Dhaxal-sugaha qoyska muddada dheer xukumayay Bangladesh iyo hoggaamiyaha mucaaradka awoodda badan ee dalkaas, Tarique Rahman, ayaa ku soo laabtay dalka ka dib ku dhawaad 17 sano oo uu dibad joog ahaa, sida ay sheegeen xisbigiisu.
Rahman, oo 60 jir ah, ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London tan iyo markii uu ka soo cararay Bangladesh sannadkii 2008.
Waxaa uu sheegay in dalkaas uu uga baxsaday cadaadis siyaasadeed.
Boqolaal kun oo taageerayaal ah ayaa saf ugu jiray garoonka diyaaradaha ee caasimadda ilaa goobta soo dhawayntiisa.
Rahman waxaa si weyn loogu arkaa inuu yahay ra’iisul wasaaraha ugu cadcad doorashada guud ee Febraayo.