Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka isa soo taraya ee ay xilli hore uur ku qaadayaan gabdhaha yaryar.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in macluumaadka la diiwaangeliyay ay muujinayaan in gabdhaha ay u nugul yihiin in lagu xadgudbo.
Xilli uu hadal ka jeedinayay kulan ay haweenka ku yeesheen jaamacadda Masinde Muliro ee ismaamulka Kakamega ayuu Mudavadi xusay in heerka gabdhaha uurka ah ee wadanka uu hadda yahay boqolkiiba 8.4.
Waxaa uu sheegay in barnaamijyada awoodsiinta dumarka ee dowladda ay qayb ka tahay sidii lagu yareyn lahaa dhacdooyinkan oo saameyn ku yeesho geeddisocodka waxbarasho ee gabdhaha.