Mudavadi oo sheegay in xaaladda adag ee dhaqaale ay sii jiri doonto 2 sano

0
310

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in xaaladda adag ee dhaqaale ee laga dareemaya gudaha wadanka ay sii jiri doonto ugu yaraan labo sano oo dheeraad ah.
Xilli uu galinkii dambe ee shalay ka soo hormuuqday baarlamaanka ayuu hoosta ka xarriiqay in Kenyaanka laga doonaya inay culeyska jira u dul qaataan.
Waxaa uu Mudavadi xusay in sicir bararka iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda ay inta badan sababeen arrimo heer caalami ah oo aynan dowladdu xakameyn karin.
Hasa ahaate waxaa uu raja wanaagsan ka muujiyey in go’aanka dowladda ay meesha uga saartay canshuurtii laga qaadi jiray cuntooyinka dibadda laga soo dejiyo ilaa bisha Siddeedaad ee sanadkan ay hoos u dhigi doonto qiimaha maciishadda.
Madaxa wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha shilinka dalka oo hoos u dhacay marka loo barbardhigo lacagaha shisheeye iyo saameynta dagaalka u dhexeya Ruushka iyo Ukraine ay xaaladda ka dhigeen mid sii cakiran.
Waxaa uu intaasi ku daray in lacagaha dulsaarka ee ka dhashay deymaha ay dowladdu qaadatay ay noqdeen kuwo ka badan mushaarka ay dowladda sare bixiso iyo miisaaniyadda ay u qoondeyso ismaamullada.
Musalia Mudavadi, madaxa wasiirrada dalka ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in qiimo dhimista bacriminta iyo abuurka ay sare u qaadi doonto wax soo saarka beeralayda si ugu dambeyn uu hoos ugu dhaco qiimaha cuntooyinka kala duwan.