Mudavadi oo sheegay in dhaqaale badan lagula tacaali doono kansarka

0
304

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhaqaale badan ku bixin doonto la tacaalidda cudurka kansarka.
Arrinkan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu shalay ka qayb galay aaska saxafiyadii dhawaan geeriyootay Catherine Kasavuli.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in cudurrada uu ka midka yahay kansarka ay ka mid noqdeen kuwa ugu badan ee loogu geeriyoodo gudaha wadanka.
Musalia ayaa ku baaqay in dowladda dhexe,waaxyaha gaarka ah, deeq bixiyeyaasha iyo shacabka ay iska kaashadaan sidii kheyraad ku filan loogu heli lahaa ciribtirka kansarka.