Madaxa Golaha Wasiirada ee dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda qaranka Musalia Mudavadi ayaa ballanqaaday baaritaan dhammaystiran oo ay dowladdu ku sameyn doonto sababtii ka dambaysay geerida Cyrus Jirongo, iyadoo ay jirto cadaadis dadweyne iyo mid siyaasadeed oo sii kordhaya oo ku aaddan in la caddeeyo shilka gaari uu ku dhintay mas’uulkaas hore.
Mudavadi oo ka hadlayay Lumakanda, ismaamulka Kakamega, xili la aasayay Xildhibaankii hore ee Lugari ayaa cadeeyay in dowladda ay ku hawlan tahay baaritaanka dhimashadiisa.
Wuxuu sheegay in dowladdu ay aad u danaynayso inay hubiso in dhammaan su’aalaha ku saabsan geerida Jirongo si buuxda wax looga qabto.
Jirongo wuxuu dhintay 13-kii bishan Diseembar, 2025, ka dib markii gaarigiisa uu si fool ka fool ah ugu dhacay bas xili uu marayay wadada isku xirta Nairobi-Nakuru una dhow Karai, ee Naivasha.




