Madaxa golaha wasiirada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa arrin qalad ah ku tilmaamay Shakhsiyaadka ka soo horjeeda 7-da xubnood ee loo doortay in ay ka mid noqdaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Mudavadi ayaa ku doodaya in tallabadan oo kale aysan kaliya hoos u dhigi karin u diyaar garowga doorashada guud ee soo socota balse ay dib u dhac ku keeni karto doorashooyin badan oo ku celis ah.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray aaska Mzee William Lumati, ee ismaamulka Kakamega, Mudavadi wuxuu ka qoomameeyay in qaswadayaasha tagay maxkamada ay dib u dhigayaan hannaankii dib loogu soo celin lahaa IEBC, kaasoo ahaa mid aan la dhisin muddo laba sano ah.
Tan ayaa imaanaysaa maalin kadib markii maxkamada sare ay si kumeel gaar ah u joojisay habraacii lagu ansixin lahaa gudoomiyaha IEBC ee madaxweyne William Ruto uu u magacaabay Erastus Ethekon iyo lix qof oo kale oo loo doortay gudiga doorashada, kadib codsi ay gudbiyeen labo muwaadin oo su’aalo badan ka keenay sharci ahaanshiyaha doorashada.
Kiiskan ayaa go’aan laga soo saari doona 29, May 2025.
Home Wararka Kenya Mudavadi oo qalad ku tilmaamay dadka ka hor yimid magacaabista xubnaha guddiga...