Mudavadi oo madaxweynaha dalka ku matali doono shir ka dhacaya Denmark

0
164

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro dalka Denmark ka hor inta uunan qabsoomin shirka dowladda wadankaasi kala dhexeeya Afrika.
Shirka ayaa lagu tilmaamay mid heerkiisu sarreeya oo looga arrinsan doono xoojinta iskaashiga Denmark kala dhexeeya dalalka qaaradda Afrika.
Musalia Mudavadi ayaa shirkaasi ku matali doono madaxweynaha dalka William Ruto .
Madasha ayaa si gaar ah loogu eegi doonaa xeer ay dhawaan soo saartay dowladda Denmark kaasi oo ku qotomo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga , wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada, nabadgalyada iyo amniga.
Sidoo kale waxaa la filayaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska Denmark iyo Afrika ee 15 sano soo jiray.
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale kulamo labo geesood ah la qaadan doono mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dalka Denmark si ay uga wada hadlaan sare u qaadidda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo fursadaha laga wada faa’iidaysan karo.
Sida laga soo xigtay ergeyga Kenya ku matasha iskaashi goboleedka loo yaqaano Nordic-Baltic Eight (NB8), Angeline Musili, in ka badan 200 oo wufuud heer sare ah oo matalaysa Afrika ayaa shirkaasi ka qayb geli doono.
Waxaa dalladdan ku mideysan Denmark, Estonia, Finland, Iceland, Latvia, Lithuania, Norway, iyo Sweden.