Mudavadi oo ku gacan sayray soo jeedin ah in doorashada guud ee 2022-ka dib loo dhigo

0
459

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ku adkeysanaya in aan loo baahneyn in dib loo dhigo doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Hadalka madaxa ANC ayaa ku soo aaday ka dib markii ay soo jeedin ka ka timid maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Afrika oo howlwadeenadeeda ay ku taliyeen in dib loo dhigo doorashada guud ee sanadka dambe.
Mr .Mudavadi ayaa xusay in dastuurka uu yahay sharciga ugu sarreeya dalka islamarkaana la talin dibadda ka timid aysan ka hor imaan karin madax banaanida wadanka.
Waxaa uu eedeyn u jeediyay qaar kamid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed kuwaas oo uu sheegay inay ku andacoonayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uunan da’a ahaan waayeel ahayn sidaas awgeedna uu xafiiska sii joogi karo.