Mudavadi oo ku baaqay in la taageero barnaamijka qaxootiga ee dalka

0
298

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland shir uga qayb galay ayaa beesha caalamka ka codsaday inay dowladda Kenya garab ku siiso arrimaha qaxootiga.
Waxaa uu sheegay in deeq bixiyeyaasha laga doonayo inay oofiyaan ballanqaadkii ahaa inay taageeri doonaan kumanaan qaxooti ah oo ay Kenya marti gelisay si loo wanaajiyo xaaladahooda nololeed.
Mudavadi oo hadal ka jeediyay xuska maalinta adduunka ee qaxootiga ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid dhaqangelinta qorshaha Shirika plan.
Qorshahan ayaa lagu doonaya in xerooyinka qaxootiga loo beddelo meelo is isku dhaf ah loo deggan yahay oo laga hir geliyo dhammaan kaabayaasha adeegyada bulshada.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay Kenya shaacisay inay hooy siisay 644,011 oo qaxooti iyo dad magan-galyo doon ah.
Boqolkiiba 83 ee tiradan ayaa qaxooti ah halka boqolkiiba 17 ay yihiin magan-galyo doon.
Mudavadi ayaa walaac ka muujiyay inay sii kordhaysa tirada dadka qaxootiga ama magan-galya doonka ah ee wadanka imaanaya kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaaro iyo dagaallo.