Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa soo jeediyay in nabadda lagu daaalo ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu ka digay arrin kasta oo wadanka u horseedi karto inuu dib ugu laabto rabshadihii dhacay dhammaadkii sanadkii 2007-dii iyo horraantii 2008-dii.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in qof Kenyaan ah loo dhibaateeyo adeegsiga xuquuqdiisa dimuqraadiyadeed oo ay ka mid tahay inuu doorto hoggaamiyaha uu ku qanacsan yahay waxqabadkiisa.
Mudavadi oo soo gabagabeeyay socdaal labo cisho qaatay oo uu ku joogay ismaamulka Nyandarua ayaa dadweynaha ku boorriyay in aan lagu kala qaybin ama la isku qabadsiin siyaasad qabiil ku saleysan.