Mudavadi oo ka hadlay xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo DRC

0
287

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo DRC uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo ku saleysan wax wada qabsi.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay sii wadi doonto xoojinta iskaashigan.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Kinshasa ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha wadankaasi Felix Tshisekedi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay DRC dhawaan soo siidaysay shaqaale ka tirsan shirkadda duullimaadka qaran ee Kenya Airways oo halkaasi lagu xiray bishii hore.