Mudavadi oo guddoomiyay shirka wasiirrada ee Afrika iyo Korea

0
135

Madaxa wasiiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa guddoomiyay shirka heerka wasiirrada ee ka dhexeeya qaaradda Afrika iyo Korea.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo bisha 6-aad ee sanadkan uu shir noocani ah ka qabsoomi doono magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Shirka ayaa hor u dhac u ahaa diyaar garowga ku aaddan kulanka wayn.
Mudavadi ayaa sheegay in lagu heshiiyay in dib u eegis lagu sameeyo is-afgarad ay horay u wada gaareen dowladaha Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Labada dhinac ayaa iska kaashanaya arrimaha tiknolojiyadda , hal-abuurka , ganacsiga iyo maalgashiga.
Shirweynaha ka dhacaya magaalada Seoul ayaa socon doono inta u dhexeysa 4-ta ilaa 6-da bisha June ee sanadkan waxaana hal ku dhig u ah horumarka waara ee mustaqbalka la wada gaari karo.