Mudavadi oo gaaray magaalada London ee Ingiriiska

0
303

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa gaaray magaalada London ee Ingiriiska.
Waxaa uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay wakiil matalayay xafiiska dibadda , barwaaqa sooranka iyo horumarka ee Ingiriiska Mr. Nicholas Jarrold , danjiraha Kenya ee Ingiriiska Ambasadoor Catherine Kirumba Karemu iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa uu magaalada London uga qayb galaya shir ku saabsan sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa dalka Suudaan oo ay colaado saameeyeen.
Waxaa la filayaa in Mudavadi uu soo bandhigo mowqifka Kenya ee nabad galyada gobolka gaar ahaan Suudaan.
Sidoo kale waxaa uu goobjoog u ahaan doonaa heshiis lagu maalgelinaya barnaamijka tareennada ee magaalada Nairobi.