Mudavadi oo shir madaxeed uga qayb galaya Kampala

0
279

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi oo xalay wadanka ka ambabaxay ayaa gaaray caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay Dr. John Mulimba, oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda iyo Safiirka Kenya halkaasi ku matalo Ambasadoor Maj General George Owinow .
Mudavadi oo matalaya madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaaminaya wafdi ka socdo Kenya.
Waxay maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qayb galayaan meertada labaad ee kulanka arrimaha Qaxwaha ee madaxda Afrika ee G25 African Coffee Summit ..
Waxaa shirka sanadkan hal ku dhig u ah in si laga macaashaya loo horumariyo waaxda Qaxwaha ee qaaradda.
Kulankii kani ka horreeyay ayaa 25-kii ilaa 27-kii bishii Shanaad ee sanadkii hore ka qabsoomay magaalada Nairobi.