Mudavadi oo cadeeyay magaacbisa Qunsulka guud ee Goma ka dib diidista DRC

0
402

Madaxa Wasiirada dalka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Qurba joogta, Musalia Mudavadi ayaa caddeeyay magacaabista madaxweyne William Ruto ee qunsulka guud Judy Kiaria Nkumiri ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), ka dib markii walaac laga muujiyay in magacaabista aysan raacin nidaamka saxda ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii ayuu Mudavadi ku sharaxay in magacaabista madaxtinimo aysan laftigeedu la mid ahayn dhajin dublamaasiyadeed, isaga oo xusay in Kiaria aaynan xilka qaban karin ilaa Barlamaanka dalka iyo xukuumadda DRC ay ka ansixinayaan.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in habka magacaabista uu si adag u raacayo qodobka 132(2)(e) ee Dastuurka, kaasoo awood u siinaya Madaxweynaha inuu soo magacaabo, isla markaana ogolaansho ka helo Golaha Shacbiga, magacaabista Gudoomiyaasha Sare, Safiirada, Wakiilada Diblomaasiyada iyo Qunsuliyada.
Mudavadi ayaa daaha ka qaaday inuu ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DRC, Thérèse Kayikwamba Wagner, si uu u sharaxo habka.
Isagoo qiraya xiriirka caafimaadka qaba ee labada dal ay wadaagaan sannadihii la soo dhaafay, Musalia ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dib u habeynta adeegga dibada looga golleeyahay kor u qaadista adeegga ee hoos yimaada Ajendaha Isbeddelka Dhaqaalaha ee Bottom-Up Economic (BETA), oo aysan ku kicin juquraafi xun ee siyaasadeed ama faragelin lagu hayo madax bannaanida waddamada kale.
Intaa waxaa dheer, Musalia ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dowladda ay hormuud ka noqon doonto dadaallada nabadeed ee DRC, gaar ahaan iyada oo loo marayo hindisaha EAC-SADC-AU, halkaasoo Kenya ay ka tahay guddoomiye ku xigeen.