Mudavadi oo beeniyay in howlaha xafiiska marwadiisa ay dowladdu qarash geliso

0
329

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha loo jeediyay ee ah in xafiis uu dhawaan u furay xaaskiisa Tessie Mudavadi uu yahay mid ay dowladda dhexe maalgeliso.
Mudavadi ayaa xusay in xafiiskan uu yahay madal bulsho oo lagu taageeraya qaybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa uu intaasi ku daray in xafiiska Tessie Mudavadi uu fuliyo howlo aan ahayn kuwo dowladeed sida arrimaha bulshada gaar ahaan samafalka.
Waxaa uu xusay in Mrs. Mudavadi ay ka shaqeyn jirtay arrimaha samafalka xita iyadoo madaxa wasiirrada uunan ka tirsanayn dowladda .
25-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii si rasmi ah xariga looga jaray xafiiska marwada madaxa wasiirrada taasoo dhalisay hadal hayn badan.