Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa wacad ku maray inay carqaladeyn doonaan howlaha xeer dejinta haddii wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka aynan si degdeg ah u soo saarin lacagaha horumarinta deegaannada ee CDF.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka ,Opiyo Wandayi ayaa sheegay inuu gudbin doono mooshin ku aaddan in xubnaha aynan wax shaqo ah qaban ilaa inta dhaqaalahan laga soo fasaxaya.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka, Kimani Ichung’wa ayaa dhankiisa sheegay inuu wada hadal la yeelan doono wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof. Njuguna Ndungu si caqabaddan loo xalliyo.
Guddoomiyaha baarlamaanka , Moses Wetangula ayaa Ichung’wa iyo guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda Ndindi Nyoro ka dalbaday inay kulan la yeeshaan wasiirka maaliyadda oo ay baarlamaanka warbixin u soo gudbiyaan ka hor 15-ka bishan.
Home Wararka Kenya Mudanayaasha baarlamaanka oo dalbanaya in si degdeg ah loo soo fasaxo lacagaha...