Mudaaharaadyo ka socda Ukraine iyadoo Zelensky uu saxiixay sharci lagu beegsanayo hay’adaha ka hortagga musuqmaasuqa

0
329

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa saxiixay sharci ay ku sheegeen dadka dhaliila in uu wiiqayo madax banaanida hay’adaha la dagaalanka musuq maasuqa ee dalka, taasi oo dhalisay mudaaharaadyo iyo dhaleecayn caalami ah.
Dadka dhaleeceeya xukuumadiisa ayaa sheegaya in sharciga cusub uu wiiqayo awoodda Xafiiska Qaranka ee La dagaallanka Musuqmaasuqa (Nabu) iyo Xafiiska Xeer ilaalinta Gaarka ah ee Ka hortagga Musuq maasuqa (Sapo) iyaga oo hoos dhigaya xukunka xeer ilaaliyaha guud.
Zelensky ayaa khudbadiisa maanta ku sheegay in labada hay’adood ay wali “shaqayn doonaan”, balse loo baahan yahay in laga saaro “saameynta Ruushka”.
Meel marrinta sharciga ka dib, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Kyiv iyaga oo sameeyay mudaaharaadkii ugu weynaa oo ka dhan ah dowladda tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka bishii Febraayo 2022-kii.
Mudaaharaadyo ayaa sidoo kale lagu arkay magaalooyinka Lviv, Dnipro iyo Odesa.