Xoghayaha Arrimahaa Bulshada Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani Maxamed Sadiiq Dhame oo Xafiiskiisa Magaalada Hargaysa Warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in la xaday kaddibna la Iib geeyay Mashiinkii dhiigaga lagu baarayay ee Isbitaalka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Xoghayaha ayaa Xildhibaanada Gobolkaas laga Soo doortay ee Wakiillada Soomaaliland ku jira iyo shacabka deegaankaas ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay Xaqooda u soo dhacsan lahaayeen Maadaama uu Xusay inaysan dhibkaas ka hadlin Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland oo Agaasimaheeda toddobaad ka hor Joogay Magaalada Ceerigaabo.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Mucaaradka Soomaaliland oo sheegay in la iibsaday mashiinnada isbitaallada