Mucaaradka oo meesha ka saaray dibadbaxyadii u qorsheysnaa

0
105

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa meesha ka saaray dibadbaxii uu horay u qorsheeyay inuu maanta qabto.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka Opiyo Wandayi ayaa arrinkan ku xaqiijiyay bayaan uu soo saaray.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan ay qaateen ka dib markii isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza uu oggolaaday mid ka mid ah shuruudihii wada hadallada ee mucaaradka .
Waxay dalbanayeen in xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan uunan ka sii mid ahaan xubnaha Kenya Kwanza ku matalaya wada hadallada maadaama uu ka tirsan yahay xisbiga Jubilee oo weli hoos tago isbeheysiga Azimio.
Wandayi ayaa qoraalka ku sheegay inay wafdi u diri doonaan wada hadallada kala dhexeynaya Kenya Kwanza.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay shacabka ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhacay isagoo ka digay in haddii garabka dowladda aynan muujin niyad sami in Azimio ay dib ugu laabanayaan waddooyinka.
Mucaaradka ayaa sidoo kale isbeheysiga Kenya Kwanza uga digay faragelinta arrimaha Azimio iyo xisbiyada ka tirsan.
Shalay ayay ahayd markii Kenya Kwanza ay shaacisay inay Aadan Keynaan ku beddeshay dhigiisa deegaanka Saku ee ismaamulka Marsabit Dido Rasso.