Mucaaradka dalka ayaa billaabay olole ay ku boorinayaan Kenyaanka inay xiriirka u jaraan ganacsiyada iyo adeegyada xiriirka la leh xukuumadda hadda jirta, iyagoo ku eedeeyay dowladda madaxweyne William Ruto inay hormuud ka tahay dilalka, afduubka, iyo howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah gobollada mucaaradka.
Iyagoo ka hadlayay Xarunta Taliska SKM ee Nairobi Isbaheysiga Mucaaradka ayaa sheegay in ololahan lagu hoggaamin doono Guddiga Cadaaladda Soo Celinta Bulshada (PRJC), oo la sameeyay 24-kii bishii June si ay u ururiyaan una diiwaan geliyaan dhacdooyinka naxariis-darrada ah, oo ay ku jiraan kuwa ay ku leeyihiin booliiska iyo kooxaha hubeysan ee lagu eedeeyay in ay maalgeliso dowladda.
Isbahaysiga ayaa waxaa uu sheegay in ay isticmaali doonaan cadaymaha la ururiyey si ay tallaabo sharci ah u qaadaan, haddii loo baahdona ay bilaabi doonaan dacwado gaar ah.
Kooxda mucaaradka ayaa waxaa ka mid ah Rigathi Gachagua, Kalonzo Musyoka, Martha Karua, Eugene Wamalwa, Justin Muturi, Fred Matiang’i, iyo Torome Saitoti. Waxaa ay ku eedeeyeen maamulka Kenya Kwanza in ay dalka ku riixayaan fowdo, isla markaana ay ka gaabiyeen ilaalinta sharciga.
Mukhisa Kituyi, oo akhriyay war murtiyeedka wadajirka ah, ayaa intaa ku daray in dhawaan shacabka la siin doono liiska ganacsiyada xiriirka la leh dowladda.
Waxaa ay sheegeen in arrintan ay noqon doonto mid ka mid ah talaabooyin badan oo looga dan leeyahay in lagu mucaarado maamul ay ku tilmaameen mid khatar ah, aan dulqaad lahayn, isla markaana aan lala xisaabtamin.
Waxaa kale oo ay ka hadleen burbur iyo bililiqo loo geystay dukaamada waaweyn ee ganacsiga iyo meheradaha yaryar, iyo sidoo kale meydadka lagu aruuriyay baabuurta booliiska oo aan la garanayn, waxaanay ku tilmaameen inay qayb ka tahay olole siyaasadeed oo baahsan.
Hoggaamiyeyaasha ayaa ku eedeeyay maamulka madaxweyne Ruto, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Adeegga Qaran ee Booliiska, iyo Waaxda Dambi Baarista dalka ee DCI-da inay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada sida ku qeexan qodobka 7-aad ee heshiiskii Rome.