Mucaaradka oo hakiyay dibadbaxyadii qorsheysnaa

0
354

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyay dibadbaxyo uu qorsheynayay inay gudaha wadanka ka dhacaan maalinka Arbacada ee toddobaadkan.
Azimio ayaa hoosta ka xarriiqday in maalinkaasi aynan bannaan bax ka sameyn doonin waddooyinka balse ay qaban doonaan munaasabado lagu xusuusanaya oo taageero loogu muujinaya dadka ku baxay gacanta booliiska.
Mucaaradka ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay maalinkaasi soo baxaan oo ay shumacyo shidaan sidoo kalena dhigaan ubaxyo lagu xusuusinaya dadka dibadbaxyada ku dhintay.
Isbeheysiga Azimio ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la soo tabiyay dhimashada 50 qof halka boqolaal kale oo dhaawacmay lagu daaweynaya isbitaallada.
Waxay intaasi ku dareen inay soo saari doonaan magacyada shakhsiyaadka ay waxyeello ka soo gaartay mudaaharaadyada.
Sidoo kale waxay hoggaamiyaasha diimeed ugu baaqeen inay maalmaha Jimcada, Sabtida iyo Axadda u duceeyaan dadka dhintay.
Sidoo kale waxay rajo ka muujiyeen in maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay qaabili doonto liiska dad ay mucaaradka ku eedeynayaan inay xadgudubyo u gaysteen dibadbaxayaal.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu sheegay in laga billaabo 1-da habeennimo ee Arbacada la howlgelin doono ciidamada si ay amniga u adkeeyaan.
Kindiki ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin in dibadbaxyo rabshadeysan ay ka dhacaan gudaha wadanka oo cidii ka qayb qaadata sida ku habboon loola tacaali doono.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha ammaanka lagu amray inay si wayn ula tacaalaan rabshadaha sida waxyeelleynta shacabka , burburinta hantida iyo bililiqeysiga.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in dowladda aynan faragelin doonin xaqa dastuurka ee ku saabsan dibadbaxyada iyo muujinta tabashooyinka dadweynaha haddii tani loo wajahaya si nabad ah oo aynan dibadbaxayaasha hubeysnayn.
Dibadbaxyadii wadanka ka dhacay Arbacadii hore ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan shan qof .
Dhimashooyinkan ayaa laga diiwaangeliyay ismaamullada Nairobi, Makueni, Nakuru, Migori iyo Kisumu.
In ka badan 38 qof ayaa dhaawacmay waxayna 30 ka mid ah dhaawacyadan ka dhasheen toogasho.