Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maamulka wadanka hoggaamiyo ka dalbaday inuu is casilo ama uu xalliyo caqabadda dhaqaale iyadoo aan eedda dusha laga saarin dowladdii hore ee Uhuru Kenyatta.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa su’aal geliyay sababta uu hoos ugu sii dhacaya dhaqaalaha wadanka iyadoo canshuurta la kordhiyay sidoo kalena meesha laga saaray miisaaniyad ay dowladdu ku kaabi jirtay waaxyo kala duwan.
Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha golaha madaxweynaha dalka William Ruto kala taliya arrimaha dhaqaalaha David Ndii uu sheegay in xaaladda taagan ee sababtay in aan xilliga habboon la bixin mushaarka shaqaalaha dowladda ay tahay mid ku saleysan bixinta deymo lagu leeyahay wadanka.
Kenyans are tired. They will not tighten their belts anymore. Kenya Kwanza has made the lives of Kenyans miserable. pic.twitter.com/Vch3Cksice
— The ODM Party (@TheODMparty) April 11, 2023