Mucaaradka Nigeria oo xushay musharrax madaxweyne

0
439

Xisbiga ugu muhiimsan mucaaradka dalka Nigeria ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadankaasi Atiku Abubakar u soo xushay inuu ku matalo loolanka hoggaamineed ee sanadka 2023-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii codeyn uu mucaaradku qabtay uu Abubakar ka helay codad dhan 371.
Waxaa uu xulashada uga adkaaday Nyesom Ezenwo Wike oo ah guddoomiyaha gobolka hodonka ku ah shidaalka ee Rivers state oo helay 237 oo codad ah.
Atiku Abubakar oo 75 sano jir ah kana tirsan xisbiga (PDP) ayaa dhowr mar isku dayay qabashada talada Nigeria.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu xilkan ku guul dareystay maadaama uu tartanka ku soo baxay madaxweyne Muxammadu Buhari in kastoo uu Atiku ku andacooday in natiijada codeynta looga shubtay.