Mucaaradka Nigeria oo doonaya inuu madaxweyne Buhari xafiiska banneeyo

0
305

Senatarrada garabka mucaaradka ee dalka Nigeria ayaa riixaya qorsho ay ku doonayaan in xilka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha wadankaasi Muxammadu Buhari.
Tani ayaa imaanaysa wax ka yar hal sano inta uunan dhammaan muddo xileedkiisa labaad.
Waxay ku eedeynayaan inuusan wax ka qaban dhibaatooyinka amni ee Nigeria.
Senatar lagu magacaabo Philip Aduda ayaa sheegay inay yeesheen kal-fadhi ay albaabadu u xirnaayeen halkaasoo siyaasiyiinta xisbiga (PDP) ay Buhari uga dalbadeen inuu muddo 6 isbuuc gudahooda uu ku wanaajiyo xaaladda amni ee Nigeria ama in xilka laga xayuubinaya.
Shacabka Nigeria ayaa bisha Labaad ee sanadka 2023, ka qayb qaadan doono doorasho guud oo ay madaxweyne cusub ugu codeynayaan.