Mucaaradka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleystay madaxtinimada dalkaas

0
334

Hoggaamiyaha mucaaradka Lee Jae-myung ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah ka dib doorasho lama filaan ah oo ka dhacday dalkaas lix bilood ka dib markii hoggaamiyihii hore ee waddanka Aasiya uu ku dhawaaqay sharci awood buuxda siinaayo militariga.
Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada ayaa muujinaya in Lee uu ku guuleystay ku dhawaad saddex milyan oo cod oo uu kaga horreeyo ninka uu sida weyn ula tartamay, Kim Moon-soo oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee People Power Party.
Kim ayaa waxaa uu qirtay guuldarada subaxnimadii Arbacada, isagoo ugu hambalyeeyay Lee guushiisa khudbad uu jeediyay oo uu sheegay inuu si is-hoosaysiin ah u aqbalayo go’aanka shacabka.
Isagoo la hadlayay dad badan oo taageerayaashiisa ah oo ku sugnaa magaalada Seoul, Lee ayaa waxaa uu ballan qaaday inuu “ka shaqeyn doono soo celinta dhaqaalaha” laga bilaabo maalinta koowaad iyo inuu hubiyo inaysan weligeed dhici doonin afgambi militari.