Mucaaradka dalka oo magacaabay guddi ku matalaya wada hadallada

0
244

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ayaa soo saaray guddi ka kooban toddobo xubnood oo ku matali doono wada hadallada ay la yeelanayaan dowladda dhexe.
Tani ayaa timid ka dib markii isbeheysiga Azimio uu shalay ismaamulka Machakos ku yeeshay kulan ay ka qayb galeen xildhibaanno iyo senatarro.
Toddobada qof ee ay soo xusheen ayaa kala ah senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina ,Edwin Sifuna ( senatarka Nairobi), Millie Odhiambo ( xildhibaannada waqooyiga Suba North), Enock Wambua ( senatarka Kitui), Amina Mnyazi ( xildhibaannada deegaanka Malindi), David Pkosing (mudanaha Koonfurta Pokot ) iyo xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo.
Mucaaradka ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga iskudhafka ah uu baarlamaanka warbixin u gudbin doono 30 cishe gudaheeda.
Madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa wacad ku maray in haddii wada hadallada ay noqdaan kuwo aan miro-dhal ahayn inay dib u billaabayaan dibadbaxyada.