Mucaaradka dalka oo maanta isku soo baxyo qabanaya

0
325

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya ayaa lagu wadaa inuu maanta qabto isku soo bax dadweyne.
Kulankan ayaa ka dhici doono fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha Azimio , Raila Odinga ayaa isku imaatinka dadweyne ee ay qorsheeyeen ku tilmaamay mid lagula tashanaya dadweynaha.
Waxaa uu ku soo beegmaya iyadoo labo ka mid ah afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC oo la eedeyay ay is casileen.
Dhanka kale guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo howlwadeennadan oo si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay ayaa Jimcada billaabi doono fadhiyadiisa.