Mucaaradka dalka oo dib u eegis ku sameeyay maalmaha dibadbaxyada

0
677

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in laga billaabo toddobaadka dambe ay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe dhigi doonaan maalmaha Arbacada , Khamiista iyo Jimcada.
Azimio ayaa isbeddelkan u aaneysay rabitaanka shacabka.
Shalay ayay ahayd markii ay shaaciyeen inay mudaaharaadyada sameyn doonaan Arbacada balse taasi ayaa dib loo eegay ka dib markii sida bayaanka mucaaradka ku xusan ay heleen codsiyo kala duwan oo ah in la sii xoojiyo cadaadiska la saaraya dowladda.