Xisbiyada mucaaradka dalka Bangladesh ayaa caasimadda wadankaasi ee Dhaka ka sameeyay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan xukuumadda ra’iisul wasaare Sheekh Xasina.
Ciidamada booliiska ee Bangladesh ayaa gacanta ku dhigay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga (BNP) oo soo abaabulay mudaharaadyada.
Dibadbaxyada ayaa ah kuwo lagu dalbanaya in dowladda wadankaasi ay wax ka qabato sicir bararka qiimaha cuntooyinka
Sidoo kale waxay doonayaan in ra’iisul wasaaraha Bangladesh Sheekh Xasina ay is casisho.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhammaan toddoobada xubnood ee xisbiga BNP uga tirsan baarlamaanka ay shaaciyeen inay is casilayaan.
Waxaa ay ku andacoonayaan in maamulka dalkaasi hoggaamiyo ee xisbiga (AL) uu yahay mid sharci darro ah.