Guddiga doorashooyinka ee dalka Cambodia ayaa xisbiga mucaaradka ee Candlelight Party ka mamnuucay ka qayb qaadashada doorashada wadankaasi ka dhacaysa bisha Toddobaad ee sanadkan.
Tani ayaa xisbiga talada haya ee Cambodia ee (CPP) u suurtagelinaysa inuunan wajahin tartan adag.
Guddiga doorashooyinka ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay in xisbiga mucaaradka uunan gudbin dokumeentiyada diiwaangelinta.
Afhayeenka xisbiga CPP Sok Eysan ayaa dhankiisa sheegay in doorashada oo ay isku diiwaangeliyeen in ka badan 10 xisbi ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah.
Ra’iisul Wasaaraha Cambodia Hun Sen ayaa horay u sheegay in xisbigiisa uu hoggaanka wadankaasi hayn doono 100 sano.