DHAGEYSO:Mucaaradka Azimio oo maanta dibadbaxyo dhigay

0
296

Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo taageerayaashooda ayaa maanta dibadbaxyo ka sameeyay qaybo ka mid ah wadanka sida ismaamullada Nairobi, Homa Bay, Migori iyo Kisumu.
Amniga magaalooyinkan gaar ahaan caasimadda wadanka ayaa si wayn loo adkeeyay in kastoo meelaha qaar la soo tabiyey isku dhacyo dhex maray saraakiisha ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Hal qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday xaafadda Kondele ee ismaamulka Kisumu.
Madaxa garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga oo dadweynaha kula hadlay xaafadaha Kawangware iyo Kibera ee ismaamulka Nairobi ayaa cambaareeyay weerar maanta lagu bartilmaameedsaday beer la sheegay inuu leeyahay qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qas-wadayaal la soo abaabulay ay bartilmaameesadeen shirkaddiisa Spectre Company iyo beertaasi.