Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta ismaamullada kala duwan ee dalka ka dhigaan dibadbaxyo.
Jimcihii ayay ahayd markii mudaharaadyadii ka dhacay dowlad deegaannada Nairobi, Kisumu, Kisii, Migori iyo Mombasa lagu dilay ilaa 6 qof.
Waxaa sidoo kale dhaawacmay dad dhowr ah oo ay ka mid yihiin ciidamada ammaanka sida uu xaqiijiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Mucaaradka ayaa dibadbaxyada ay dhigayaan ku tilmaamay kuwo cadaadis lagu saaraya dowladda dhexe si ay uga laabato dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan .
Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in qiimaha canshuurta ee laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahaa boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.
Hoggaamiyaasha uu hor kacaya Raila Odinga ayaa sidoo kale dalbanaya in maamulka Kenya Kwanza uu qaado tallaabooyin lagu yareynaya sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro.




