DHAGEYSO:Mucaaradka Azimio oo dalbanaya in meesha laga saaro hindise sharciyeedka maaliyadda

0
594

Mucaaradka Azimio oo dalbanaya in meesha laga saaro hindise sharciyeedka maaliyadda
Xildhibaannada baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ayaa sheegay in aan lagu qanci karin isbeddelladii ay dowladdu shalay shaacisay in lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Ka dib kulan ay yeesheen ayay siyaasiyiintan ku dalbadeen in gebi ahaanba meesha laga saaro hindise sharciyeedka maaliyadda oo hadda baarlamaanka hor yaalla.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa sheegay in ay diiddan yihiin qorshahan oo ay ku adkeysanayaan in meesha laga saaro.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay sii wadaan in ay dowladda ka dalbadaan qaadashada go’aamo sax ah.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in isbeddellada la sameeyay aynan ku filnayn wanaajinta nolosha rayidka.
Sidoo kale , waxay shacabka ku bogaadiyeen cadaadiska ay xildhibaanadooda ku saarayaan in aynan u codeyn qorshaha maaliyadda ee dowladda.