Mtwapa:Qof ka shaqeynayay farmashiye oo lagu helay daawooyin ay dowladdu bixisay

0
342

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in Alex Munga Sadi oo ka shaqeynayay farmashiye ku yaalla magaalada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi lagu arkay isagoo iibinaya daawooyin ay dowladdu bixisay.
Daawooyinkan oo qiimo ahaan dhan 2 milyan oo shilin ayaa isugu jiray 41 nooc oo kala duwan.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda la soo tagay iyadoo garsoore David Odhiambo uu ku siidaayay damaanad dhan hal milyan ama inuu bixiyo damaanad lacageed oo gaaraysa 500,000 oo shilin.
Kiiskan ayay maxkamaddu mar kale soo hadal qaadi doontaa 31-da bishan Saddexaad.
Tani ayaa imaanaysa toddobaadyo ka dib markii la xiray saddex qof oo lagu eedeyay inay sideen daawooyin la rumeysan yahay in laga xaday isbitaal dowladeed oo ku yaalla magaalada Nairobi.
21-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja uu xaqiijiyay tallaabada lagu qabtay tuhmanayaasha ka dib xog laga helay dadweynaha.