Moses Kuria oo xilkii taliyaha sare ee uu hayay iska casilay

0
349

Moses Kuria oo hore u soo noqday wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo ganacsiga iyo wasaaradda adeegga dadweynaha ayaa xilka iska casilay.
Arrintan ayuu shaaca uga qaaday war qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada isagoo sheegay in go’aanka la gaaray ka dib kulan uu la yeeshay hoggaamiyaha qaranka kaasoo uu uga mahad naqay fursada uu siiyay si uu dowladda ugu adeego.
Kuria oo san qoraalka ku fahfaahinin talaabada xigto ee uu qaadi doono ayaa sheegay inuu higsanaayo dano gaar ah.
Ka dib markii uu xukuumadda madaxweyne Ruto ka soo noqday wasiir ayaa Kuria waxaa shaqada laga ceyriyay isaga iyo wasiiradda kale sanadkii 2024-kii markii ay dhallinyaradda dalka bannaanbax sameyeen kaasoo lagaga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda 2024-ka.
Bilooyin ka dib madaxweyne Ruto ayaa Moses Kuria u magacaabay xubin sare oo ka tirsan la taliyayaashiisa dhaqaalaha xilkaas oo uu hayay ila halay fiidkii oo uu iska casilay.