Moses Kuria oo raaligelin ka bixiyay hadal uu ka yidhi shidaalka

0
339

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee dalka Moses Kuria ayaa raaligelin ka bixiyay arrin uu maalmo ka hor ka sheegay shidaalka taasoo si wayn loo hadal hayay.
Kuria ayaa xilligaasi qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo oran jiray Twitter-ka waxaa uu kenyaanka ku wargeliyay inay isku diyaariyaan in qiimaha shidaalka uu sii kordho.
Kuria ayaa xusay in shidaalka halkii liitar lagu iibin doono 260 shilin marka la gaaro bisha labaad ee sanadka 2024-ta.
Hasa ahaate qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu kenyaanka si wayn uga raaligelinaya arrintii uu soo bandhigay ee lagu dhaliilay.
Waxaa uu xusay in qof kasta oo bani’aaddan ah uu qaldamo sidaasi awgeedna lagula taliyay in fariintiisa ay ahayd mid aan laga fiirsan.
Wasiirka ayaa sheegay in senatarka ismaamulka Kakamega Dr. Boni Khalwale iyo shakhsiyaad kale ay u sheegeen inuu kenyaanka la wadaagay xog aan sax ahayn taasoo la dhibsaday.
Wuxuu intaasi ku daray in qoraalkiisi hore ka dib la fahansiiyay in qiimaha shidaalka ee gudaha dalka uu hoos u soo dhici doono.