Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka , Moses Kuria ayaa ka falceliyay shir jaraaid oo ay shalay qabteen hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Madaxda mucaaradka ayaa shirkaasi ka sheegay inay Talaadada shaacin doonaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan ka dib markii uu baarlamaanka ansixiyay hindise maaliyadeedka sanadkan.
Azimio ayaa horay ugu hanjabtay in haddii golaha qaran ee xeer dejinta uu meel mariyo hindise maaliyadeedka inay dhigi doonaan dibadbax qaran oo ay tallaabadaasi uga soo horjeedaan.
Hasa ahaate Moses Kuria ayaa siyaasiyiinta mucaaradka u sheegay in iyaga keliya aynan u furnayn inay mudaaharaad ka dhigaan waddooyinka.
Waxaa uu xusay in haddii Azimio ay qabato dibadbax ay uga soo horjeedaan ansixinta qorshaha maaliyadda ee dowladda in ay iyagana qaban qaabin doonaan isku soo bax lagu taageeraya go’aanka uu baarlamaanka wadanka qaatay.
Demonstrations are not the monopoly of anyone. pic.twitter.com/nM8Z7oQUtV
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) June 22, 2023