Wasiirka wasaaradda adeega dadweynaha ee dalka Moses Kuria oo xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa ka hadlay dhaliil uga timid qaar ka mid ah senatarrada aqalka sare.
Senatarrada ayaa dalbaday in wasiirka xilka laga qaado.
Tani ayaa timid ka dib markii qoraal uu soo dhigay barta X ee horay la oran jiray Twitter-ka uu su’aal geliyay geeddisocodkii la doonayay inay xafiiska ku banneyso barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza oo uu aqalka sare dhinac iskaga dhigay.
Kuria ayaa xusay inuu muujinayay dareenkiisa shakhsiyeed maadaama ay u soo baxday in aynan jirin sababo maangal ah oo horseedi karo in barasaabka xilka laga qaado.
Waxaa uu sheegay inuu si dhow ula socday dooddii ka taagnayd golaha hoose ee Meru balse uunan ku qancin waxyaabihii ay cuskanayeen wakiillada .
Moses Kuria oo la waydiiyay inuu yahay qof jecel inuu dood abuuro ka dibna is difaaco ayaa ku jawaabay in keliya uunan la gabban aragtidiisa.
Waxaa uu xusay inuu tixgelinaya awoodaha dastuuriga ee aqalka sare balse uu muwaadin ahaan xaq u leeyahay inuu dareenkiisa cabbiro taasina aynan ka dhignayn inuu talo siinayay senatarrada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inaynan culeys ku ahayn inuu xafiiska banneeyo .
Moses Kuria oo la waydiiyay sababta uunan uga qayb gelin marti qaad xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi loogu sameeyay boqorkii Ingiriiska ee dalka yimid ayaa ku jawaabay in munaasabadaasi uu uga mashquulay waxyaabo muhiim ah oo la xiriira u adeegidda kenyaanka.
Waxaa uu beeniyay in laga codsaday inuunan xafladaasi ka qayb gelin isagoo sheegay inuu hayo cudur daar uu ka bixiyay casuumaadii loo fidiyay.