Moses Kuria oo beeniyay in uu khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

0
218

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa beeniyay in wax khilaaf shaqo ah uu ka dhexeeya madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachaagua.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Kuria ayaa tilmaamay in hoggaamiyaasha ugu sarreeya wadanka ay leeyihiin xiriir wanaagsan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in Gachagua uu guddoomiyo kulammada guddiyada golaha wasiirrada oo uu tilmaamay in madaxweyne Ruto uunan fursad u helin mararka qaar xilligii uu ahaa madaxweyne ku xigeen.