Moody Awori oo siyaasiyiinta ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha

0
291

Moody Awori oo horay u soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalka oo haatan 94 sano jir ah ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay inay la shaqeeyaan madaxweynaha wadanka William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu ku guulaystay doorashadii guud ee dalka ka dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Moody Awori ayaa sheegay in madaxda siyaasadeed laga doonaya inay soo afjaraan kulamada isbarbar socdo oo ay mideeyaan shacabka.
Ka dib booqasho uu madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ugu tagay ayuu Moody Awori carrabka ku adkeeyay in cid kasta looga baahan yahay inay sharciga ilaaliso.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la doonayo in madaxweynaha dalka la qadariyo oo uu garab ka helo intii u codeysay iyo intii aan u codeyn labaduba.