Garsooraha maxkamadda Mombasa Martin Rabera ayaa nin ay da’diisu tahay 48 sano ku xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu eedeyay inuu faraxumeeyay gabadh 9 sano jir ah.
Xaakinka ayaa sheegay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay si shaki la’aan ah u cadeeyeen kiiskan.
Xukunkan ayaa ku soo beegmay ka dib markii dhawaan maxkamadda ismaamulka Wajeer ay nin 26 sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii uu faraxumeeyay gabadh 7 sano jir ah.